Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
#103 Talking about online dating (Med) - Learn English ep #103: Baro Ingriisi - erayada shukaansiga Internet-ka
05/02/2026 Duración: 11minLearn everyday English phrases for online dating. Practise expressions like “match,” “ghosted,” and “slide into DMs” while improving your speaking skills. - Baro ereyo iyo jumlado Ingiriisi ah oo kaa caawinaya inaad is abaabusho oo aad si habsami leh u maareyso hawlahaaga maalinlaha ah. Maantana wuxuu ku saabsan yahay erayada shukaansiga Internet-ka.
-
Raadin Ballaaran: Booliiska Victoria oo raadinaya Dezi Freeman
05/02/2026 Duración: 06minBaadhitaan cusub oo lagu raadinayo Dezi Freeman ayaa ka bilaabmay deegaan fog oo ka tirsan Victoria. Mr Freeman ayaa lagu eedeeyay inuu dilay laba askari boolis ah, uuna dhaawacay mid saddexaad, ka dib markii ay baaritaan sharci ah, sannadkii hore ku fuliyeen, guri ku yaalla meel baadiye ah oo u dhow magaalada Porepunkah.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 5 February 2026
05/02/2026 Duración: 05minDawlada Federaalka ayaa la rumeysan yahay inay ka fiirsaneyso in la beddelo ama la tirtiro cashuur-dhimis horey u jirtey oo la yiraahdo (Capital Gains Tax) si loo xalliyo u-sinnaan la’aanta guryaha ee jiilasha kala duwan, iyo in la xakameeyo sicir-bararka. Cashuur-dhimistan CGT, iyo sidoo kale nidaamka negative gearing, waxaa aad loogu eedeeyaa, inay ka mid yihiin sababaha kordhiya qiimaha, sidaana ku adkeeya helitaankooda.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 4 February 2026
04/02/2026 Duración: 09minHoggaamiyaha mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa sheegtay inay labada xisbi ee Liberal iyo National dib u midoobi doonaan. Dowladda Qatar-na waxay sheegtay inay ku howlan yihiin qaboojinta xiisadda colaaadeed ee ka dhex taagan Maraykanka iyo Iran.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 4 February 2026
04/02/2026 Duración: 09minWarkii Soomaaliya ee ugu dambeeyey halkan ka dhegeyso
-
Ma la gaarey xilligii Australia dib u qiimeyn lahayd xidhiidhka Maraykanka?
03/02/2026 Duración: 14minMaxaa keenay inay dad badani su’aal geliyaan isbahaysiga Maraykanka ee soo jirey inta badan taariikhda casriga ah ee Australia?
-
Public transport in Australia: breaking down the basics - Australia Explained: Gaadiidka dadweynaha Australia - sharraxidda waxyaabaha asaasiga ah
03/02/2026 Duración: 14minLike in most countries, public transport in Australia is the cheapest way to get around. It includes trams, buses, trains and ferry services. And each state or territory has its own transport network. However, navigating Australia’s public transport system with ease requires knowing the basics around how it works and what to expect. - Sida dalal badan oo kale, gaadiidka dadweynaha ee Australia waa habka ugu jaban ee lagu safro. Taraamyada, basaska, tareennada iyo doonyaha (ferry) aya ka mid ah gaadiidka dadeynaha ee Australia. Qaybtan barnaamijka taxanaha ah ee Australia Exlplained, waxaad ku baran doontaa macluumaadka aasaasiga ah ee ku saabsan gaadiidka dadweynaha
-
SBS Somali News: Warka Talaado 3 February 2026
03/02/2026 Duración: 04minMacallimiinta iyo maamulayaasha iskuullada ee New South Wales ee ku lug yeesha hadallo naceyb ah, ayaa shaqada laga eryi karaa, sida ku cad xeerar cusub oo lagu soo rogay shaqaalaha dugsiyada. Hoggaamiyaha Mucaaradkuna,, Sussan Ley , waxaysheegtay inay diyaar u tahay in toddobaadkan dib loo mideeyo xisbiga Coalition-ka
-
Kansarka (Cancer) qarsoon ee ku dhaca carruurta
02/02/2026 Duración: 10minKansarka dhiiggu waa kan ugu badan uguna halista badan ee carruurta Australia ku dhaca. Sannadkankan oo keliya ayaa la fiayaa in 350 carruur ah, oo Australian ah laga helo kansarka dhiigga.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Isniin 2 February 2026
02/02/2026 Duración: 04minSahamin la sameeyey ayaa laga ogaaday in xisbiga One Nation oo noqday xisbiga labaad ee ku xiga kan Labour-ka, isla markaan ay hoggaamiyaha xisbigaasi, Pauline Hanson, noqotay hoggaamiyaha xagga taageerada ugu dhibcaha badan iyadoo ka hore martay Ra'iisal-wasaaraha.
-
#102 Getting organised (Med) - Learn English #102: Baro Ingriisi - is abaabul, hore usii qorshee, kama-dambaysta ( deadline)
02/02/2026 Duración: 10minLearn practical English phrases for getting organised and managing daily tasks, including planning ahead, meeting deadlines, and staying on top of responsibilities. - Baro ereyo iyo jumlado Ingiriisi ah oo kaa caawinaya inaad is abaabusho oo aad si habsami leh u maareyso hawlahaaga maalinlaha ah. Waxaad baran doontaa sida loo hadlo marka aad: Wax horay u sii qorsheynayso,, waqtiyada kama dambaysta ah (deadlines) la kulmeyso iwm
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimce 30 January 2026
01/02/2026 Duración: 49minWaa barnaamijkii Jimcaha 30 January 2026 oo dhammays tiran. Warar iyo warbixinnom nacfi leh.
-
Kumannaan doollar oo lagu yeeshay waalidinn khaladka Services Australia (Centrelink) awgii
01/02/2026 Duración: 10minWarbixin ka soo baxday Ombudsman-ka Dowladda Federaalka, ayaa lagu ogaaday in Services Australia (Centrelink) ay muddo lix sannadood ah, si ula-kac ah u jebisay sharciyada lacagta child support-ka la yiraahdo. 16,600 oo qof ay saamaysay iyadoo qaarkood lagu yeeshay illaa $10,000.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 30 January 2026
30/01/2026 Duración: 10minHirar kulayle ah oo aan hore loo arag ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah Australia, iyadoo ay qaybo South Australia ka mid ahina halis ugu jiraan, dab-kaymeedyo laxaad leh. New SouthWales ayaa iyana maalinkii lixaad laga filayaa heer-kul gaaraya 40 degree.
-
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 30 January 2026
30/01/2026 Duración: 09minUrurka midowga Yurub oo deeq lacageed siiyey Soomaaliya. Shir dib-u-heshiisiin ah oo Galmudug ka furmay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka 1-da Febraayo u furmaya dowladda golaha samatabixinta.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 29 January 2026
29/01/2026 Duración: 05minXildhibaanadda xisbiga Dimoqraadiga ee Maraykanka, Ilhan Omar, ayaa sheegtay inay caafimaad qabto ka dib weerar lagu qaaday. Hoggaamiyaha xisbiga Nationalka ee heer faderaalna waxaa lagu haystaa xilka hoggaaminta oo uu xildhibaan kale kula tartami doono.
-
Ciidanka Maraykanka ee ICE oo dilay qof kale iyo cabashooyinka
28/01/2026 Duración: 11minSaacaddu waxay ahayd qiyaastii 9-kii subaxnimo ee waqtiga Minneapolis. Ninka dhintay wuxuu ahaa kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya qabyta gargaarka nafbad-baadinta. Gacanta kuma uu sidan bastoolad ee wuxuu ku sitey telephone.
-
#101 Having a laugh (Med) - Learn English #101 - Baro Ingriisi: Casharka ila-qosol
28/01/2026 Duración: 11minLearn how to talk about things that make you laugh. Practise phrases that help you share stories, react to jokes, and enjoy conversations more. - Baro sida looga hadlo waxyaabaha kaa qosliya. Ku celceli weedho kaa caawinaya inaad wadaagto sheekooyin, ka falceliso kaftanka, isla markaana aad ku raaxaysato wada sheekeysiga.
-
Booliiska oo baaritaano aan ruqsad lahayn la beegsaday bulshooyinka kala dhaqanka duwan
28/01/2026 Duración: 07minSahamin cusub ayaa muujinaysa in bulshooyinka leh, asal-qoomiyado kala duwani, (multi-racial) ay la kulmaan baaritaanno booliis oo aan warqad oggolaansho (warrant) lahayn, in ka badan illaa saddex jeer iyo bar, bulshooyinka deggan meelaha aya dadka caddaanka ahi deggan yihiin.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 28 January 2026
28/01/2026 Duración: 11minRa'iisal-wasaare Anthony Albanese oo soo jeediyey in ninkii walaxda qaraxda ku tuuray debed-baxayaashii Invasion Day sharciga xooggiisa la tuso. Qaybo ka mid ah Australiana waxaa jabay rikoodhadii heer-kulka ee hore u jirey.