Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
How to recover from bushfires - Australia Explained: Sida looga soo kabto dab-kaymeedka
17/02/2026 Duración: 12minAustralia’s hot, dry climate and unique landscapes make it one of the most bushfire-prone countries in the world. As climate change drives higher temperatures and drier conditions, we can expect more frequent and more intense bushfires in the future. But once the fire is out, how do you return home safely, find support, and look after yourself? - Australia waa dal leh cimilo kulul oo qalalan iyo qab-dhuleed u gaar ah, sidaana kaga dhigtaymid ka mid ah dalalka aduunka ee ugu nugul dab-kaymeedyada. Is-beddelka cimilada yaa sababi karo dabab tiro badan oo kasii xooggan kuwii hore. Sidee ayaad guriga si nabad ah ugu laabataa, haddii aad markii hore ka qaxday dabka? Sidee baad taageero ku heli kartaa, sidee baadse isu dar-yeeli kartaa? Halkan ka ogow.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Af-Soomaaliga 17 February 2026
17/02/2026 Duración: 04minDukumiintiyo la xiriira dambiilihii galmada lagu xukumay ee geeriyooday, Jeffrey Epstein, ayaa muujinaya in tacaddiyada loo geystay haweenka iyo gabdhahu ay ahaayeen kuwo baahsan, heer ay gaari karaan dambiyo ka dhan ah aadanaha sida uu dhigayo sharciga caalamigu.
-
60-guuradii lacagta Australia ee tobanleyda ah (Decimal Currency)
16/02/2026 Duración: 10min14-kii Febraayo ee 1966-dii ayay ahayd subaxii ay dadka Australia kusoo tooseen lacag cusub (dollar) iyo hab cusub oo loo xisaabiyo. Wax ka ogow taariikhda lacagta Australia iyo sababtii looga guurey nidaamkii Ingiriiska oo loogu beddelay doollarka.
-
SBS News Somali: Warka SBS Isniin 16 February 2026
16/02/2026 Duración: 05minKu xigeenka hoggaanka mucaaradka heer federaal ayaa sheegtay in beddelaadda siyaasaddoodu aanay ahayn mid ay kula tartamayaan taageerada sii kordhaysa ee xisbiga One Nation. Naveed Akram oo ku eedaysan inuu qayb ka ahaa weerarkii Bondi Beach ayaa isna maanta maxakmada kasoo muuqday.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimcaha 13 February 2026
15/02/2026 Duración: 53minHalkan ka dhegeyso barnaajijkii Jimce 13 February 2026 oo dhammays tiran. Waxaad ka helaysaa warar iyo warbixinno muhiim ah.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duración: 07minHoggaammiyihii hore ee xisbiga mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa siyaasadda ka fadhisatay ka dib markii laga qaaday hoggaamintii xisbiga. Angus Taylor ayay xubnaha xisbigu uu doorteen hoggaamiye. Donald Trump-na wuxuu sheegay inuu joojinayo hawl-gallada ICE ee Minnesota.
-
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duración: 11minXubno ka tirsan golaha isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa haddallo ka jeediyey shir ay isugu yimaaddeen hotel ku dhex yaalla xerada Xalane.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 12 February 2026
12/02/2026 Duración: 05minAngus Taylor oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberal-ka ayaa iska casiley safka hore ee xisbiga si uu hoggaanka ugula tartamo hoggaamiyaha hadda, Susan Ley. Afartan iyo siddeedda saacadood ee soo socda ayaa la filayaa codbixinta.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 11 February 2026
11/02/2026 Duración: 11minMuftiga Guud ee Muslimiinta Australia ayaa ku baaqay baaritaan hufan oo madax-bannaan oo lagu sameeyo hab-dhaqankii booliiska New South Wales, kaddib mudaharaadkii ka dhacay Sydney oo looga soo horjeeday booqashada Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 11 February 2026
11/02/2026 Duración: 10minWarka Soomaalia ee maanta waxaa ka mid madaxweynayaasha Puntland iyo Juppa Land, Saciid Cabdillaahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam (Ahmed-modoobe) ayaa soo gaaray Muqdishu si ay uga qayb galaan shirka loo ballansan yahay.
-
Forced Marriage: Dugsiyada Australia oo loogu baaqay inay hubiyaan calaamadaha guurka qasabka ah
10/02/2026 Duración: 06minBooliiska Federaalka Australia ayaa ugu baaqayaan iskuullada, inay si gaar ah ugu feejignaadaan calaamadaha muujin kara in arday lagu khasbayo guur qasab ah.
-
America oo rabta macluumaadkaaga shakhsi. Australia ma siin kartaa?
10/02/2026 Duración: 13minWaxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo “adigu maraykan umaba socotid oo xogtaadu waa ammaan’. Laakiin waxaa suurto-ga ah, in xogta dhammaan dadka Australia lagu daro heshiiskan, sidaana ay xogtaadu ku gasho gacan kale oo aan ahayn tan Australia.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Talaado 10 February 2026
10/02/2026 Duración: 05minPremier-ka NSW Chris Minns ayaa difaacay tallaabadii ay booliisku ka qaadeen mudaharaad ka dhacay Sydney, kaas oo lagaga soo horjeeday booqashada madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Dibadbaxayaal isugu soo baxay Sydney Town Hall-ka Sydney, si ay u cambaareeyaan booqashada Herzog ayaa la sheegay inay booliisku ku buufiyeen basbaaska indhaha (pepper spray), rii-riixeen, qaarna garaaceen.
-
Australiyaan badan oo xabsiyada ku xidhan iyo kharashkooda badan. Nidaamku ma shaqyanyaa?
09/02/2026 Duración: 12minCelcelis ahaan, in ka badan 45 kun oo qof oo qaangaar ah ayaa maalin kasta la xirayey sannad-maaliyadeedkii 2024–2025, taas oo qiyaastii 2,500 qof ka badan sannadkii ka horreeyay.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran
09/02/2026 Duración: 50minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran, xayaysiikiina laga reebay
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee Isniin 9 February 2026
09/02/2026 Duración: 05minPremierka New South Wales oo deggenaan iyo isxakemeyn ugu baaqan debed-baxayaasha ka dib imaatinkii madaxweynaha Israel, Isac Herzog. Xildhibaan soo jeediyey in gubidda calanka Australia, kuwa Aboriginal iyo Torres Strait Islander laga dhigo dembi la isku xiri karo.
-
How does IVF work in Australia? - Australia Explained: Sidee bacrinta ugxantu (IVF) uga shaqaysaa Australia?
09/02/2026 Duración: 11minDid you know that IVF is not the first, but in fact the last step in a sequence of fertility treatments? In Vitro Fertilisation is regulated by state and territory laws. It can also be expensive and emotionally challenging. Here’s what to expect when aiming to start a pregnancy with IVF in Australia. - IVF ma aha tallaabada koowaad—waa tan ugu dambeysa. Ka hor intaadan bilaabin geeddi-socodka bacrinta ugaxanta oo kharash iyo dareen ahaanba adag, wax kasii ogow sida IVF uga shaqeyso Australia iyo waxa aad filan karto marka aad doonayso inaad uur ku qaaddo.
-
Nipah Virus: Fayras halis oo ka dillaacday India
08/02/2026 Duración: 09minHay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in heerka dhimashada cudurkani u dhaxeyso 40 ilaa 75 boqolkiiba, in kasta oo ay ku xiran tahay mugga nidaamka caafimaadka ee goobta laga helay.
-
SBS News Somali: Warka SBS Jimce 6 February 2026
06/02/2026 Duración: 10minGuddoomiyaha xisbiga Labour-ka oo ka digay xisbiga One Nation oo sii xoogeysanaya iyo Ra'iisal-wasaare Albanese oo heshiis amni maanta la saxeexan doona dhiggiisa Indonisia.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 6 February 2026
06/02/2026 Duración: 08minDagaal ka dhacay Baydhabo oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo ciidammo kale oo la sheegay. Maxayse ka yiraahdeen mas'uuliyiinta u kala hadashay labadad dhinac?