Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
Ururka SABC oo shir u qabtay ganacsatada Soomaaliyeed ee Victoria
28/01/2026 Duración: 10minUrurka SABC ayaa ganacsatada Victoria u qabtay shir ay sheegeen in ganacsatada lagu baraarujiyo, sidii ay ganacsigooda u horumarin lahaayeen, ha noqoto faham buuxa oo ay ka yeeshaan shuruudaha, sharciyada, xeerarka kale ee u yaalla ganacsiyada iyo iskaashiga.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya 28 January 2026
28/01/2026 Duración: 08minWasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlay guulo uu sheegay inay ka gaareen dagaallada argagixisada. Qaar ka mid ah guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa qaaddacay in laga doodo dhammays-tirka dastuurka.
-
What actually happened on January 26? - Australia Explained: Maxaa dhacay 26 January oo loogu dabbaal-degaa?
27/01/2026 Duración: 13minJanuary 26 is one of the most debated dates in Australia’s history. Often described as the nation’s birthday, the day marks neither the formal founding of the colony nor the creation of the Commonwealth. Instead, it reflects a layered history shaped by colonisation, political decisions, and ongoing First Nations resistance. Understanding what actually happened on January 26 reveals why the date is experienced so differently across the country. - 26-ka Janaayo waa taariikh muran badan ka dhalisay Australia. Dadka qaar waxay u arkaan maalinta qaranka, halka kuwa kalena ay ugu taagan tahay gumeysi iyo xanuun taariikheed. Fahamka wixii dhab ahaan dhacay maalintani, waxay innaga caawinayaa fahmidda sababta ay dadku si kala duwan ugu arkaan.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 27 January 2026
27/01/2026 Duración: 05minHeerkulka ayaa maanta la saadaalaaliyey inuu Melbourne iyo Geelong ka gaari doono 45 degree, iyo Mildura oo laga filayo 49 degree. Baarlamaanka Faransiiska, ayaa taageeray sharci lagu mamnuucayo in carruurta ka yar 15 sano ay isticmaalaan baraha bulshada.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 23 January 2026
23/01/2026 Duración: 08minImaamka masaajidka Lamemba ee magaalada Sydney ayaa loo soo diray waraaq hanjebaad ah oo ay Islamophobia Register Australia (IRA), ku sheegeen mid "aad naxdin u leh". Burburin, dil iyo afduub ayaa ka mid ah hanjebaadaha ku qoranaa. Booliiska iyo hay'adaha ay khusayso ayaa loo dhiibay waraaqda, siday ay sheegeen IRA.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya ee Jimce 23 January 2026
23/01/2026 Duración: 07minWararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya
-
Qorshaha lagula dagaallamayo dhibaatada qaraqanka biyaha ee Australia
22/01/2026 Duración: 11min"Waa lama huraan 100% inaad indhaha ku hayso carruurta. Ha ku mashquulin mobile-gaa. Il-biriqsiyo ayay qaadataa in mawjadda baddu la tagto carruurta" said Eve Wheeler.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 22 January 2026
22/01/2026 Duración: 06minDareewallada New South Wales oo looga digay halista waddooyinka ayaamaha fasaxa 26 Jannaayo, iyadoo lacagta iyo dhibcaha ganaaxaba la kodhiyey. Donald Trump-na wuxuu ka laabtay hanjebaaddii cashuuraha dheeraadka ah ee ugu gooddiey waddamada Yurub, inkasta oo uu weli hungureynayo Greenland.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 21 January 2026
21/01/2026 Duración: 08minAqalka Senate-ka Australian, ayaa ansixiyey sharciga xakamaynta hadallada nacaybka ah iyo ka. dib-u-habaynta sharciyada hubka, waxaase 'Maya' ku codeeyey xisbigiyada National-ka iyo Greens-ka. Israel-na waxay burburisay xaruntii dhexe ee hay'adda qarammada midoobey ee UNRWA ay ku lahayd Qudus.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 21 January 2026
21/01/2026 Duración: 09minMadax-weyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay ciidamo la sheegay inay dowladda federaalka ee Soomaaliya mushahar uga qortay deegaannada Puntland.
-
Duminta dabaqayda dadweynayna Melbourne iyo saameeyntooda dadka deggan
20/01/2026 Duración: 17minDowladda Victoria ayaa ku adkaysanaysa qorshaheeda ah inay dumiso dhammaan 44-ta dabaq (Towers) ee dadweynaha ee Melbourne, inkasta ay diidmooyinka dadweynaha iyo baarlamaankuba soo jeediyeen in la joojiyo duminta.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Talaado 20 January 2026
20/01/2026 Duración: 05minDawladda Federaalka ayaa Baarlamaanka hor keentay sharci ku saabsan dib-u-iibsashada hubka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu yareeyo in ka badan afar milyan oo qori oo ka diiwaangashan Australia, haddii sharciga la ansixiyo galabta.
-
#100 More or less? Talking about quantities - Baro Ingriisi: #100 Yaraan mise Badnaan? Ka hadlidda 'Tiro' ama 'Mug'
19/01/2026 Duración: 09minLearn how to talk about amounts and quantities in everyday English. - Ku baro af-ingiriisi sahlan sida looga hadlo tirooyin ama 'mug'
-
How to cater for your dietary restrictions - Australia Explained: Cuntooyinka aad ka caaggan tahay iyo talooyin ku saabsan
19/01/2026 Duración: 12minAustralia is known as the allergy capital of the world. Our diverse population also means that we express our religious beliefs, ethics, health and personal choices through the food we eat. We called on some experts to help us navigate all the labelling, certifications and resources that can inform our food choices. - Dalka Australia waxaa dunida looga yaqaannaa “caasimadda xasaasiyadda cuntada - "food allergy capital of the world”. Xalqaddan Australia Explained, khubaro ayaa talooyin kugula wadaagaya, ku saabsan, sidii aad u fahmi lahayd, calaamadaha iyo macluumaadka kale ee ku daabacan ama ku sawiran baakadaha cuntada, iyo macluumaad kaleba.
-
SBS News Somali : Warka SBS ee Isniin 19 January 2026
19/01/2026 Duración: 05minXildhibaannada baarlamaanka federaalka Australia ayaa taageeray mooshin tacsi ah oo lagu sharfayo dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi, kaas oo dhacay in ka badan bil ka hor.
-
SBS Somali Program Full - Jimce 16 January 2026
19/01/2026 Duración: 48minBarnaamijkii SBS Somali ee Jimce 16 January 2026 oo dhammays tiran.
-
Bangiyada oo ka digaya khayaamooyinka cusub ee AI deepfake.
16/01/2026 Duración: 15minQoysaska ka walwalsan khiyaamooyinka ku saabsan deepfake-ga codka — sida qof iska dhigaya ilmahaaga ama qof kale oo qoyskaaga ah, oo lacag degdeg ah ku weydiisanaya — Mr Roberts wuxuu kula talinayaa, tallaabo sahlan oo ay ku badbaadi karaan. Waa inay samaystaan is-af-garasho ama password ay qoyska oo keliyihi isla og yihiin.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 16 January 2026
16/01/2026 Duración: 10minMawlac diimeed oo Sydney ku yaalla oo horey amar loogu bixiyey in la xiro, ayuu golaha deegaanka ee Bankstown Canterbury sheegeen inay ka dhego-adaygeen.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 16 January 2026
16/01/2026 Duración: 07minWararkii ugu dambeeyey ee Laascaanood iyo Abdillahi Sheekh-doon oo laga waraystay isagoo jooga Laascaanood.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 15 January 2026
15/01/2026 Duración: 05minWalxo qarxa oo laga helay xaafad ku taalla Camberra iyo kooxaha diimaha oo walaac ka muujiyey sharciga cusub ee lagu xakamaynayo hadallada nacaybka. Maraykan-kuna waxuu fiisayaasha ka joojiyey soo-galootida kasoo jeedda 75 dal.